Dharkayn geenyo waa degmo ku taal gobolka Sool ee Soomaaliya. Waxa ay todobaatan kiiloo mitir kaxigta dhanka koofureed magaala madaxda gobolka Sool ee Laascaanood. Degmadu waxa ay ka koobantahay dhowr tuulo, waxa ayna kala yihiin sidatan:
Saaxdheer
Dabataag
Dhummay
Kalcad
oo dhamaantood ay ka socoto horumar lixaad leh.
Libaaxyada Dharkayn geenyo !!!
Faysal Cabdi-urur
Advertisement

Gabaygii: Aduun gees u foorara
……………………………………………………………………………….
Dadka qaarkiis uma adkaysan karaan inay udulqaataan isbeddellada mujtamacooda markii muddo la joogaba ka dhaca. Waxay jecel yihiin in wax waliba ku socdaan sidii ay ku arki jireen markii ay indho dillaacsadeen ama ay garaadsadeen. Ismaaciil wuxuu ka mid ahaa dadka jaadkaas ah oo durba la yaaba oo waxa ay dhalinyaradu samaynayso
Wuxuu arkay duqowdii oo laaluushkii aan ka siqoonayn, gabdhihii iyo raggii oo isdhexgal xad la’aan ah yeeshay iyo habro iyo odayaal gaboobey, oo halkii ay cibaadaysan lahaayeen, tumanaya cayaar markaas soo baxday oo «Widdiiley» la oran jirey. Arimahaas oo idili waxay ula ukaadeen kuwo aan Ilaah u dulqaadan doonin, oo mar ay noqotaba uu tillaabo culus ka qaadi doono. Markaas buu baryey oo yidhi, «Ilaahow anigu haddaba waxaas dembiga all ee la walaaqayo kuma jiree, Ciqaabka aad soo waddo gees iga mari oo waxa lagu kacayo awgood wax ha igu yeelin». Wuxuu yidhi :-
Guddidiyo gargeydhiyo’ ardada soo gar niqi weydey
Afarta goonnidaaq iyo kuwaa Ruraya laaluushka
Kiishyada garkaa marahayiyo lacagta guuraysa
Adigaan gacmaha kuu wadhay oo hoosta kaa galaye
Allahayow cuquubaday gasbaan haygu gelinsiinnin
Oo haygu gubin waa adduun gees u foorara e !
Guudxiir gun iyo geelxeraad’ gaane iyo shaybe
Gabdhaha haatan loo wada sinmee geedka wada daaqay
Carmallada garbaha weyn leh iyo gootowyada qooqan
Allahayow cuuquubaday gasbaan haygu gelinsiinnin
Oo haygu guhin waa adduun gees u foorara e !
Habraha’ geedigii harahayee gaadhi kari waayey
Ee gurada lagu qaadaye guuxaya ee doobin
Garcadaha durbaansanahayiyo gaagurraha qooqay
Widdiileyda goonyaha ka bixi iyo galaayuuska
Adigaan gacmaha kuu wadhay oo hoosta kaa galaye
Allahayow cuquubaday gasbaan haygu gelinsiinnin
Oo haygu gubin waa adduun gees u foorar’e
Yaasiin Gaadh_haye